Join our WhatsApp group Kobciye College
image

Kobciye College

Kobciye College waa xarun waxbarasho oo diiradda saarta horumarinta dhalinyarada, gaar ahaan barashada luqadda Isbaanishka🇪🇸 iyada oo loo adeegsanayo luqadda Soomaaliga 🇸🇴si ardaydu si fudud oo qoto dheer u fahmaan casharrada. Waxaa horey uga qalin jabiyay arday badan oo si kalsooni leh ugu hadla luqadda Isbaanishka, taasoo u suurtagelisay inay si sahlan shaqo ku helaan una dhexgalaan bulshada.

Intaa waxaa dheer, Kobciye College waxay ardayda ka caawisaa diyaarinta CV-yada xirfadeed (Professional CVs) oo si xirfadaysan ugu qoran luqadaha English iyo Spanish 🇪🇸 si ay ugu tartamaan fursadaha shaqo ee gudaha iyo dibadda.

Sidoo kale, waxaan dhalinyarada siinaa la-talin ku saabsan shaqooyinka, waxbarashada sare, iyo koorsooyinka muhiimka ah ee kor u qaadaya xirfaddooda iyo fursadahooda mustaqbalka.

Barashada luuqadaha Spanish ka heerka 1 aad

Sharaxaad: Koorsadani waxay ku bari doontaa aasaaska luuqadda Spanish-ka. Waxaad baran doontaa sida loo salaamo, loo isbaro, loo tiriyo, iyo erayo iyo weedho fudud oo lagula xiriiro dadka. Waa koorso ku habboon qof walba oo cusub oo raba inuu barto Spanish-ka si fudud oo xiiso leh, waxaad kusoobiiridoontaa arday iyo macalimiin kujecel.

€15.00

€25.00

Barashada luuqadaha Spanish ka heerka 1 aad

Barashada luuqada Spanishka Heerka 2 aad

🟨 Barashada Luuqadda Spanish-ka – Heerka 2aad ✅ Sharaxaad Kooban: Koorsadan waa heerka labaad ee barashada Spanish-ka waxaana loogu talagalay ardayda hore u baratay heerka 1aad ama fahmaya aasaaska luuqadda. Waxaad si tartiib ah ugu baran doontaa inaad wada sheekeysi samayso, su’aalo weydiiso, iyo inaad fahanto weedho dheer. Waxaa sidoo kale baran doontaa falalka muhiimka ah iyo sida loo isticmaalo wakhtiyada kala duwan sida hadda, tagay, iyo mustaqbal.

€13.00

€23.00

Barashada luuqada Spanishka Heerka 2 aad

Barashada luuqada Spanishka Heerka 3 aad Spanish to Spanish

Koorsadan waxay ku baraysaa sida aad u hadli karto si xirfad leh oo qoto dheer markaad la sheekeysanayso qof kale. Waxa aad baran doontaa sida shaqo looga waraysto, su’aalo loo dhiso, loona fahmo weedho dheer. Waxa kale oo lagu barayaa sida loo isticmaalo Spanish to Spanish adigoon u baahnayn tarjumaad.

€13.00

€23.00

Barashada luuqada Spanishka Heerka 3 aad Spanish to Spanish

Barashada Farta somaliga 🇸🇴

Barashada Farta Soomaaliga waa aasaaska qofka u suurtagalinaaya inuu barto luuqad kale sida Ingiriisi ama Isbaanish, sababtoo ah qofku marka hore waa inuu si fiican u fahmaa luuqadda uu ku baran doono luuqadda cusub. Qof aan aqoon u lahayn Fartiisa Hooyo wuxuu ku adkaanayaa inuu si habsami leh u fahmo qaab-dhismeedka, higgaadda, iyo naxwaha luuqadaha kale ee uu doonayo inuu ku hormaro. Sidaas darteed, innagoo aragnay baahida sii kordheysa ee jiilka cusub u qaba in la helo meel si nidaamsan uga caawisa fahamka iyo qorista Farta Soomaaliga, waxaan soo bandhignay “Hadaananay Kobciye College” oo ah garabka iyo gaashaan u taagan dhalinyarada Soomaaliyeed, si ay u helaan saldhig luqadeed oo adag oo u sahla guusha luuqadaha kale iyo horumarkooda waxbarasho.

€15.00

€20.00

Barashada Farta somaliga 🇸🇴