Barashada Farta Soomaaliga waa aasaaska qofka u suurtagalinaaya inuu barto luuqad kale sida Ingiriisi ama Isbaanish, sababtoo ah qofku marka hore waa inuu si fiican u fahmaa luuqadda uu ku baran doono luuqadda cusub. Qof aan aqoon u lahayn Fartiisa Hooyo wuxuu ku adkaanayaa inuu si habsami leh u fahmo qaab-dhismeedka, higgaadda, iyo naxwaha luuqadaha kale ee uu doonayo inuu ku hormaro. Sidaas darteed, innagoo aragnay baahida sii kordheysa ee jiilka cusub u qaba in la helo meel si nidaamsan uga caawisa fahamka iyo qorista Farta Soomaaliga, waxaan soo bandhignay “Hadaananay Kobciye College” oo ah garabka iyo gaashaan u taagan dhalinyarada Soomaaliyeed, si ay u helaan saldhig luqadeed oo adag oo u sahla guusha luuqadaha kale iyo horumarkooda waxbarasho.