Sidee Xornimo Dhaqaale Lagu Gaadhaa
Waa buug yare kaa caawin kara inaad dagsato qorshe dhaqaale oo kugu haboon, adigoo ka bixi doona waxa loo yaqaano paycheck to paycheck, ilaa aad ka gaadho xornimo dhaqaale
Maxaad ka faaiideysaa buuggan:
Faham Qoto Dheer: Qofku wuxuu si fiican u fahmayaa waxa ay ka dhigan tahay "xornimo dhaqaale" iyo sida loo gaaro, isagoo ka gudbaya fikirka ah in lacag badani ay tahay xalka keliya.
Xakameynta Lacagtiisa: Wuxuu baranayaa sida loo ogaado halka ay lacagtiisu ku baxdo, isagoo kala saaraya baahiyaha dhabta ah iyo rabitaannada aan daruuriga ahayn.
Qorshe Dhaqaale oo Cad: Wuxuu awood u yeelanayaa inuu sameysto miisaaniyad (budget) u gaar ah oo u saamaxda inuu lacagtiisa u maamulo si caqliyeysan, isagoo qayb u qoondeeya kaydka iyo bixinta deymaha.
Ka Bixitaanka Deymaha: Wuxuu baranayaa habab wax ku ool ah oo uu isaga bixin karo deymaha ku raran, taas oo ka xoraynaysa culayska ribada iyo welwelka.
U Diyaargarowga Mustaqbalka: Wuxuu dhisayaa aasaaska kaydinta iyo maalgelinta, taas oo ka caawinaysa inuu u diyaar garoobo hadafyadiisa mustaqbalka fog sida iibsashada guri, waxbarashada carruurta, ama howlgab raaxo leh.
Nabadgelyo Maskaxeed: Marka uu qofku maamulo dhaqaalihiisa, wuxuu helayaa deggenaansho maskaxeed iyo kalsooni, isagoo aan ka welwelin biilasha iyo xaaladaha degdegga ah ee nolosha.
Kordhinta Dakhliga: Wuxuu helayaa fikrado iyo dhiirigelin ku aaddan sidii uu u kordhin lahaa ilaha dhaqaale ee soo gala, taas oo dedejinaysa inuu gaaro xornimadiisa dhaqaale.